Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in dib loo furay Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir, si muwaadiniinta aan hore isu diiwaangelin ay uga faa’iideystaan fursaddan.
Xarumaha dib loo furay ayaa ku yaalla degmooyinka:
- Warta-Nabadda
- Howl-Wadaag
- Hodan
- Wadajir
- Dharkeynley
- Waabari
- Kaxda
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa aan weli diiwaangelin, in ay si firfircoon uga qeyb qaataan.
Sidoo kale, waxaa ururrada siyaasadeed iyo taageerayaashooda lagu dhiirrigeliyay in ay bulshada ku hoggaamiyaan ka faa’iideysiga dib-u-furista xarumahan.