Guddiga Gurmadka Abaaraha gobolka Awdal oo deeq lacag ah la wareegay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran ee (SoDMA),Md Maxamuud Macallin, ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan $700,000 ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka taas oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu ku saameeyeen ee ku nool gobolka Awdal, Munaasabaddaas waxaa ku weheliyay wasiir iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soojeeda Deanna’s ay abaartu sida ba’an u sameysay.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa cadre yay in lacagtaaslagu wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee gobolkaAwdal si ay u gaarsiiyaan dadka u baahan gurmadka degdeg ah, asagoo hadalkiisa raaciyay in lacagtaasi aysan ku filneen reerawdal loona baahanyahay in dadaalka gurmadka lasii labajibaaro.

Dhankooda wasiiradii iyo xildhibanadii goobtaasi ka hadlay oo kale ahaa:

1. Wasiirka Howlaha Guud JFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur
2. Wasiiru dowlaha Amniga JFS Maxamed Cali Xagaa
3. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed XasanMaxamed Bulaale
4. Wasiir ku xigeenka Betroolka Cabdiwahaab (Cananuug)
5. Xildhibaanad Caasho (koos)
Dhammaan waxay soo shorten deeqdaasi lacageed,waxay si gaar ah mahadcelin ugu jeediyeen Madaxweynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, iyo golahaWasiirada ayagoo sheegay iney garab istaageen reer Awdalxiligii ugu adkeed, sidoo kale wasiirrada waxay mahadcelin u jeediyeen maamulka Gobolka Banaadir si gaar ah gudoomiyahaGobolka Banaadir Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Munaasabadaan ayaa timid ka dib markii dhawaan Golahawasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay dadka reer awdal uguyabooheen lacag dhan $500,000 sidoo kale Maamulka GobolkaBanaadir ayaa dhankooda ku deeqay lacag dhan $200,000

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMAayaa wada Dadaalo xoog leh oo lagu garab istaagayo dadkaabaaraha ay saameeyeen ee ku nool Gobolka Awday, ayadooHey’addu ay qabato shirar iyo Kulamo Gaar gaar ah tasoo lalayeesho qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiinGanacsatada, Culimada, hey’adaha Maxaliga iyo kuwacaalamiga ayadoona u jeedadu ay tahay garab istaaga dadka reer Awdal.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles