Guddiga joogtada Golaha Shacanka ee BFS oo dhaariyay xubno ka tirsan Golaha wasiirada ee dhawaan la magacaabay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacaabay, waxaana xubnahan dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha la dhaariyay kula dardaarmay in ay qaranka si daacadnimo ah ugu adeegaan.

Xubnaha wasiirada ee maanta la dhaariyay ayaa kala ah:

Mudane Maxamed Faarax Nuux oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali oo ah Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Marwo Aamina Xuseen Cali oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Marwo Dahabo Suusow Muunye oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles