Guddiga joogtada Golaha Shacanka ee BFS oo dhaariyay xubno ka tirsan Golaha wasiirada ee dhawaan la magacaabay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacaabay, waxaana xubnahan dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha la dhaariyay kula dardaarmay in ay qaranka si daacadnimo ah ugu adeegaan.

Xubnaha wasiirada ee maanta la dhaariyay ayaa kala ah:

Mudane Maxamed Faarax Nuux oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali oo ah Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Marwo Aamina Xuseen Cali oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Marwo Dahabo Suusow Muunye oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles