MW Xasan Sheekh oo kulamo iyo abaabul dagaal ka wada degmada Cadala

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee Macawisleyda, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo culumida deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay masuuliyiinta, saraakiisha iyo waxgaradka Cadale talooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ugu hurayaan in ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya dadkooda.

Madaxweynaha ayaa degmada Cadale ayaa ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odyaasha dhaqanka Beesha Mudulood oo maanta tagay degmada Cadala.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in Hirshabelle in ay ka bilowdaan howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles