Saturday, April 26, 2025

Ciidamada Sudan oo isku fidiyay Magaaladda Khartuum

Ciidanka milatariga Suudaan ayaa isku ballaarinaya bartamaha caasimadda Khartuum, iyagoo ku dhow inay soo afjaraan howlgalkooda bartamaha Khartuum, waxayna go’doomiyeen goob kasta oo ay Khartuum kaga suganyihiin ciidanka RSF oo loo diidday inay nolal uga baxaan saldhigyada ay ku sugnaayeen.

Afhayeen u hadlay ciidanka Suudaan ayaa ayaa sheegay in cidammadu ay dhawaan soo saari doonaan bayaan arrimahan ku saabsan.

Muuqaalo iyo sawirro la soo dhigay baraha bulshada  ayaa muujinaya askar aad u faraxsan oo qoryahooda lulaya, oo samaynaya raynyan iyo jilba-joogsanaya u muuqda in ay xamdi-naqayaan.

Bishii Abriil ee sannadkii 2023-kii ayay ahayd markii xooggaga RSF ay si degdeg ah u qabsadeen xarunta madaxtooyada iyo inta badan caasimadda dalka Suudaan, wakhti yar uun ka din markii uu dagaalku qarxay. Laakiin Ciidanka Suudaan ee hubeysan ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay dib ugu soo laabtay iyaga oo ku soo dhawaanayay madaxtooyada kuwaasi oo ku socda Wabiga Nile.

Colaadda u dhexaysa ciidanka iyo xoogagga gurmadka degdegga ah (RSF) ayaa galaaftay tobanaan kun oo qof, malaayiin kalena waxa ay ku qasbeen in ay guryahooda ka barakacaan, iyada oo macuushu ay baahday tan iyo markii dalkaasi uu cagaha la galay dagaal sokeeye.

WARARKII KALE

Maxa Looga Hadlay Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Waxaa maanta lagu wadaa in uu ka qabsoomo kulanka...

Midowga Afrika oo dalbaday $190 Milyan si loo Sii Wado Howlgalka Nabad-Ilaalinta Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika,  Maxamuud Cali, ayaa shaaca ka qaaday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Dalka Ciraaq

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu...

Jubaland oo sheegtay in aysan qayb ka ahayn kaarka aqoonsiga Qaranka ee DFS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Jubbaland...

Dalalka Ciidamada Ka Joogaan Soomaaliya oo Codsaday Kordhinta Awoodda Howlgalka AUSSOM

Shanta dal ee ciidamadoodu ka qaybqaataan Howlgalka Midowga Afrika...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 25/04/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles