Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa shaacisay in howl-gallo duqeyn ah oo ka dhacay duleedka deegaanadda Sabiid iyo Caanoole ee ka wada tirsan Gobalka Shabeellaha hoose ay ku dishay 82 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyadda kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, Hay’adda NISA, ayaa mar kale dadka rayidka ah ku war-gelisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyadda Kooxda Al-Shabaab oo bartilmaameed u ah Ciidamadda Xoogg dalka Soomaaliya.