Tuesday, January 13, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay dhalinyaro iyo Bahda Caafimaadka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa kulan gaar ah oo talawadaag ah la qaatay qaar kamid Dhallinyarada, Aqoon yahanada Bahda Caafimaadka iyo Xirfadleyaal kale, kaas oo ka dhacay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa mid mid u dhageystay Aqoonyanadii kulanka ka qeyb gashay, iyaga oo soo gudbiyay talooyinka iyo aragtidooda la xariirta horumarinta Caasimadda sida, Maamul wanaaga Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, Dib u eegista adeegyada ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar, Dib u furista waddooyinaka xiran ee dhagaxyada lagu gooyay, ilaalinta dhulalka danta guud, Xal u helida maareynta biyaha Roobka, Dhismaha waddooyinka, Hirgalinta nidaamka Doorashooyinka iyo Xoojinta la dagaalanka musuq maasuqa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in hirgalinta siyaasadiisa uu ku biirin doono talooyinka ay caawa soo gudbiyeen Dhallinyarada iyo Aqoonyahanadii uu caawa la kulmay islamarkaana ay ka go’an tahay fulinta adeegyo waxtar u leh bulshada iyo in Gobolkan iyo Magaaladan hesho xaquuq siyaasi ah iyo hirgalinta Doorashooyinka golaha Deegaanka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka codsaday Bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan oo ay ku garab istaagaan sidii Magaalada ula tartami laheyd magaalooyinka dhigeeda ah ee horumaray.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles