Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF oo maanta iska diiwaan geliyay Degmada Xudur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaaladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ka daahfuray hanaanka isdiiwaangelinta doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Gobolka Bakool oo si rasmi ah uga bilaabatay Magaaladda Xudur.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka mid noqday dadweynaha Magaaladda Xudur oo safar dhaadheer ugu jiray is diiwaangelinta doorashada qofka iyo codka ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee is diiwaangeliya islamarkaana qaata kaarka isdiiwaangelinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha guddoonsiiyay kaarkiisa isdiiwaangelinta ayaa la hadlay dadweynihii usoo baxay in ay qaataan kaarka diiwaangelinta, wuxuuna kula dardaarmay in ay isdiiwaangeliyaan si ay mustaqbalka codkooda u dhiibtaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale guud ahaan shacabka ku nool deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kula dardaaramay in ay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinimo.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles