Thursday, August 13, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha ayaa warbixinno ka siiyey Guddiga Joogtada ah shuruucda ay gacanta ku hayaan iyo marxaladaha kala duwan ee ay marayaan, iyadoo si qoto dheer looga dooday dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo sidii loo wajihi lahaa howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaalla inta lagu guda jiro Kalfadhiga 8-aad.

Intaas kaddib, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka arrinsaday oo dejiyey ajandayaasha kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, waxayna si wadajir ah u ansixiyeen ajandayaasha kulamada golaha ee todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray, ayaa uga mahadceliyey xubnaha Guddiga Joogtada ah doorkooda wax-ku-oolka ah ee ku aadan dejinta ajandayaasha kulamada Golaha ee toddobaadka soo socda iyo dardargelinta guud ahaan howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaalla Kalfadhiga 8-aad.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ku boorriyey Guddiyada Golaha inay sii wadaan shaqada muhiimka ah ee loo igmaday, si loo xaqiijiyo in howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka Golaha ay u socdaan si hufan oo waafaqsan waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 DFS oo maanta saraakiil ciidan geysay Beledxaawo ee Gedo

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl...

Muwaadin Soomaali ah oo Britain lagu maxkamadeynayo

Mohamed Mohamoud, oo 22 jir ah, ayaa wajahaya maxkamad...

Ukraine oo Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa la sheegay inuu Yurii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan yahay...

Israa’iil oo ciidamo dheeraad ah u direysa tuulo ay ku go’doonsan yihiin qoysas Falastiiniyiin ah

Israa’iil ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u diri...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles