Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Cismaan Xaaji, oo bilooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta laga dejiyay garoonka ciidamada cirka ee ku yaalla xerada ciidamada milatariga ee UK ee magaalada Beledxaawo.
Tagista Taliyaha Qeybta 43-aad ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay qorshe cusub oo dowladda federaalku doonayso inay ku xoojiso joogitaanka ciidamadeeda gobolka Gedo.
Wararka ayaa intaas ku daraya in wadahadallo dhexmaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Cabdirashiid Janan lagu gaaray is-faham ku saabsan in Dowladda Federaalka ay Beledxaawo u soo dirto saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda.


