Mohamed Mohamoud, oo 22 jir ah, ayaa wajahaya maxkamad ka socota Winchester Crown Court ee Britain, iyadoo lagu eedeeyay inuu diyaarinayay falal argagixiso intii u dhaxeysay 1-dii Oktoobar 2024 iyo 5-tii Maarso 2025.
Mohamoud oo Soomaaliya ku dhashay, balse sanadkii 2020 u guuray magaalada Bristol ee dalka Britain, ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish xilli uu Soomaaliya joogay, balse uu diiday inuu qorsheynayay inuu fuliyo weerar argagixiso ama uu cid kale ka caawiyay diyaarinta fal noocaas ah.
Intii uu maxkamadda ka hadlayay, Mohamoud ayaa sheegay inuusan horey u ahayn qof si gaar ah ugu dhaqma diinta, balse uu markii dambe bilaabay inuu internet-ka, gaar ahaan YouTube iyo TikTok, ka daawado muuqaallo uu ku tilmaamay kuwo xagjirnimo ah.
Wuxuu sheegay in TikTok uu ku arkay muuqaal uu ku tilmaamay mid dhiirrigelinayay Daacish, kaas oo saameyn ku yeeshay fikirkiisa.
Mohamoud ayaa qirtay inuu isku dayay inuu ku biiro Daacish, isagoo sheegay in haddii dambigaas si gaar ah loogu soo oogi lahaa uu qiran lahaa.
Dacwad-oogaha Naomi Parsons ayaa horey maxkamadda ugu sheegtay in Mohamoud uu Janaayo 2025 u safray Soomaaliya, isagoo doonayay inuu Daacish ugu biiro, balse uu ku guuldarreystay inuu gaaro kooxda.
Sida dacwad-ooguhu sheegtay, Mohamoud wuxuu Soomaaliya ka soo laabtay horraantii Maarso 2025, kaddib markii uu ku guuldarreystay inuu xiriir la sameeyo ama uu gaaro xubnaha kooxda, iyadoo xilligaas ay socdeen howlgallo ka dhan ah Daacish.
Dacwad-ooguhu waxay sidoo kale maxkamadda u sheegtay in Mohamoud uu adeegsan jiray chatbot AI si uu uga caawiyo inuu xiriir la sameeyo xubno Daacish ah oo ku sugan Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay inuu sii waday xiriirka uu la lahaa dad lala xiriirinayo kooxda kaddib markii uu dib ugu laabtay Britain.
Dacwadda ayaa weli ka socota maxkamadda Winchester Crown Court, waxaana Mohamoud uu diiddan yahay eedeymaha ah inuu qorsheynayay ama diyaarinayay fal argagixiso.


