Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday xarunta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday xarunta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana uu halkaasi kulan kula qaatay xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan ayaa Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyey howlaha guddiga, waxyaabaha u qabsoomay, halka ay maraayaan howlaha diiwaangelinta codbixiyaasha iyo sidoo kale qorshaha qabashada doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horreyn guddiga uga mahadceliyey shaqada ay Qaranka u haayaan, waxaana uu bogaadiyey howlaha diiwaangelinta cod-bixiyaasha ee ka socda Gobolada Dalka.

Kusimaha madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha in Shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay tahay rajo ay in badan sugayeen oo ah in ay codkooda ku doortaan hogaanka dalka.

kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha islamarkaana ay ku garab istaagaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Ugu dambeyn kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo ay wehliyaan xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay xarunta guddiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles