Sunday, June 1, 2025

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, ayaa ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.

Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen.

Hay’adda SoDMA oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ayaa Saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof, kuwaas oo wali u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha Dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha, in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto, halka uu u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles