Wasaaradda Warfaafinta oo warsaxaafadeed kasoo saartay colaada ka aloosan gobolada dalka

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha sokeeye ee ka aloosan gobolada dalka.

Wasaaradda waxa ay si dhow ula socotaa Aaladaha Baraha bulshada iyo Warbaahinta ee loo adeegsanayo hurinta colaadaha oo ay sida qaldan u isticmaalayaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya kicinta dagaalada.

Faafinta Filimada, Sawirada, Codadka, Qoraallada naxdinta leh iyo kuwa sii hurinaya colaadaha waxaa lagu mamnuucay baahintooda shareecada Islaamka, shuruucda dalka, Xeerarka caalamiga ah iyo siyaasadaha shirkadaha baraha bulshada, wasaaradda oo gudanaysa waajibka saaran waxay halkaan digniin ugu jeedinaysaa isticmaalayaasha Baraha bulshada ee ka qeyb qaadanaya fitnada iyo hurinta colaadaha, dowladda waxa ay qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan oo lagu xakamaynayo qofkasta iyo aalad kasta oo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye.

Muwaadin kasta maanta waxaa mas’uuliyad ka saaran yahay ka hortaga hurinta colaadaha iyo ka shaqeynta nabadeynta dadkeena walaalaha ah ee dhiigooda qubaya, Shacabka Soomaaliyeed waxaan ku wargalinaynaa in ay wasaaradda la soo wadaagaan baraha dagaalada lagu hurinayo, waxaana ay noogu soo diri karaan Info@moi.gov.so

Wasaaraddu waxa ay u mahadcelinaysaa Warbaahinta iyo isticmaalayasha Baraha Bulshada ee gudbinaya fariimaha wanaagsan ee wacyigalinta ah, kuwaas ayaana ah tusaalaha wanaagsan ee maanta loo baahan yahay.

Ugu dambeyn, hay’adaha Qaranka ee Sharci Fulinta ah oo ay ugu horeeyaan Booliiska iyo Xeer ilaalinta waxay heegan ugu jiraan qaadista tallaabooyinka ku haboon xilligan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh “Qof siyaasad u xiran maanta ma jiro, qofkii dacwad qaba waxaa inoo jira garsoor”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay khudbad uu...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, Gaza-na u weecinaysa

Taliyaha guud ee ciidamada Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba,...

Mareykanka iyo Ciraaq oo ka wada hadlay dejinta xiisadaha ka taagan gobolka

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, ahna ergeyga gaarka ah...

Iiraan oo ka digtay saameynta dhaqaale ee dagaal cusub oo ay la gasho Mareykanka iyo Israa’iil

Mas’uulka ugu sarreeya hay’adda Difaaca Dadban ee Iiraan, Jeneraal...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles