Saturday, July 18, 2026

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabadda ansixinta Miisaaniyadda Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qeyb galay munaasabadda ansixinta Miisaaniyadda Maamulka Gobolka Banaadir ee sanadka 2025, kadib markii maanta loo soo bandhigay xubnaha kala gedisan ee Maamulla G/Banaadir.

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Miisaaniyadda sanadka cusub ee 2025 si daah-furnaan ah looga soo shaqeeyay, isla markaana loo bandhigay qeybaha kala gedisan ee Bulshada, asigoona codsaday in la ansixiyo Miisaaniyadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dhawaaway in Miisaaniyadda cusub ee 2025 ay ansax tahay kadib markii cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay, inkastoo 5xubnood ay diideen, halka 9-xubnood ay ka aamuseen.

Duqa Muqdisho ayaa u mahadceliyay Howlwadeenada Xafiiska Maaliyadda G/Banaadir sida hufanaanta leh oo ay ugu soo shaqeeyeen miisaaniyadda sanadka 2025, waxa uuna xusay in miisaaniyaddan ay noqon doonto mid lagu horumariyo Caasimadda.

Waxa uu sheegay in qorshayaasha hortabinta u leh Maamulkiisa ay ugu horeyso daah-furnaan, in shacabka Gobolka Banaadir ay aadaan doorasho qof iyo cod si ay mas’uuliyiintooda usoo doortaan, in la helo Magaalo Nabdoon, Magaalo Nadiif ah oo Cagaaran, taasina lagu gaari karo isla xisaabtan iyo in bulshada fursad la siiyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka in Mareykanku isticmaalo dhulkooda

Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka in ay u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Puntland oo Toogasho ku Fulisay Eedeysanihii dilay Taliyihii Booliska Jariiban

Ninkii loo haystay dilka Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban...

Iiraan oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka soo gaaray weerarrada Mareykanka

Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan ayaa sheegtay in duqeymihii Mareykanka...

Taliye Jimcaale oo tagay Garoowe iyo kulamo socda

Taliyaha ciidamada Danab Gen. Jimcaale Jaamac Takar ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles