Saturday, June 14, 2025

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabadda ansixinta Miisaaniyadda Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qeyb galay munaasabadda ansixinta Miisaaniyadda Maamulka Gobolka Banaadir ee sanadka 2025, kadib markii maanta loo soo bandhigay xubnaha kala gedisan ee Maamulla G/Banaadir.

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Miisaaniyadda sanadka cusub ee 2025 si daah-furnaan ah looga soo shaqeeyay, isla markaana loo bandhigay qeybaha kala gedisan ee Bulshada, asigoona codsaday in la ansixiyo Miisaaniyadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dhawaaway in Miisaaniyadda cusub ee 2025 ay ansax tahay kadib markii cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay, inkastoo 5xubnood ay diideen, halka 9-xubnood ay ka aamuseen.

Duqa Muqdisho ayaa u mahadceliyay Howlwadeenada Xafiiska Maaliyadda G/Banaadir sida hufanaanta leh oo ay ugu soo shaqeeyeen miisaaniyadda sanadka 2025, waxa uuna xusay in miisaaniyaddan ay noqon doonto mid lagu horumariyo Caasimadda.

Waxa uu sheegay in qorshayaasha hortabinta u leh Maamulkiisa ay ugu horeyso daah-furnaan, in shacabka Gobolka Banaadir ay aadaan doorasho qof iyo cod si ay mas’uuliyiintooda usoo doortaan, in la helo Magaalo Nabdoon, Magaalo Nadiif ah oo Cagaaran, taasina lagu gaari karo isla xisaabtan iyo in bulshada fursad la siiyo.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles