Monday, July 20, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamze “Waa dad qalato kuwa laayay wiilashii Qaranka difaacayay ,waana fool xumo aan weli hore noo soo marin si deg deg ah ayaana sharciga loo horgeynayaa”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS  ayaa sheegay in nasiib darro weyn ay tahay in nafta la dhaafiyo dad aan waxba galabsan oo qaarkood kamid ah ciidanka Amniga Dalka ka shaqeynaya.

Ra’iisul Wasaare  Xamsa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii dhowaan Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe loogu geystay ciidamo katirsan Xoogga Dalka,waxa sheegay in yihiinn kuwaa falkaa geystay dad qalato iyo foolxumo aan wali la arag.

Ra’iisul Wasaare Xamze “Waa dad qalato kuwa laayay wiilashii Qaranka difaacayay ,waana fool xumo aan weli hore noo soo marin si deg deg ah ayaana sharciga loo horgeynayaa”.

“Wiil Soomaaliyeed oo naftiisa kuu huray oo Habeen & Maalin kuu taagan in uu ku difaaco in aad disho, Foolxumo ka xun ma jirto, In Soomaali is disho waa cudurradeenna mid kamid ah” Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waa wax aad u xun qof adiga ku difaacayo oo naftiisa kuu huray oo adiga ku difaacayo inaad qalato”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay mid ka fog dadnimada qofka diinta, wuxuuna ugu baaqay shacabka in laamaha amniga ku gacan siiyo soo qabashada raggii ka dambeeyay falkaasi si sharciga loo horgeeyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles