Wednesday, July 2, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamze “Waa dad qalato kuwa laayay wiilashii Qaranka difaacayay ,waana fool xumo aan weli hore noo soo marin si deg deg ah ayaana sharciga loo horgeynayaa”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS  ayaa sheegay in nasiib darro weyn ay tahay in nafta la dhaafiyo dad aan waxba galabsan oo qaarkood kamid ah ciidanka Amniga Dalka ka shaqeynaya.

Ra’iisul Wasaare  Xamsa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii dhowaan Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe loogu geystay ciidamo katirsan Xoogga Dalka,waxa sheegay in yihiinn kuwaa falkaa geystay dad qalato iyo foolxumo aan wali la arag.

Ra’iisul Wasaare Xamze “Waa dad qalato kuwa laayay wiilashii Qaranka difaacayay ,waana fool xumo aan weli hore noo soo marin si deg deg ah ayaana sharciga loo horgeynayaa”.

“Wiil Soomaaliyeed oo naftiisa kuu huray oo Habeen & Maalin kuu taagan in uu ku difaaco in aad disho, Foolxumo ka xun ma jirto, In Soomaali is disho waa cudurradeenna mid kamid ah” Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waa wax aad u xun qof adiga ku difaacayo oo naftiisa kuu huray oo adiga ku difaacayo inaad qalato”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay mid ka fog dadnimada qofka diinta, wuxuuna ugu baaqay shacabka in laamaha amniga ku gacan siiyo soo qabashada raggii ka dambeeyay falkaasi si sharciga loo horgeeyo.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles