Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku garaacday goob caan ah oo xeebta ku taal oo ay inta badan isticmaalaan dhaqdhaqaaqayaasha, saxafiyiinta, iyo dadka deegaanka ee galbeedka Gaza Isniintii, sida ay sheegeen dhakhaatiir iyo dad goob joogayaal ah.

Kooxaha gurmadka ayaa 20 mayd ah iyo daraasiin dhaawac ah ka soo daadgureeyay maqaaxida Al-Baqa, oo ah meel ka kooban teendhooyin ku teedsan xeebta, afhayeen u hadlay difaaca rayidka ee Xamaas ee Gaza.

Waxa uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka degdegga ah ay weli baarayaan god dheer oo uu qaraxa kaga tagay.

“Waxaan ku sii socday maqaaxida si aan internetka uga isticmaalo meel dhowr mitir u jirta, markii uu qarax weyn dhacay,” ayuu yiri Caziz Al-Afifi, oo ah sawirqaade ka tirsan shirkad wax soo saar oo maxalli ah.

Muuqaallo ay dadka u ololeeya arrimaha bani’aadannimada soo dhigeen baraha bulshada ayaa u muuqday kuwa muujinaya xilliga gantaal la sheegay in laga soo riday diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil, uu ku dhacay goobta. Muuqaallo laga soo duubay weerarka kadib, iyadoo meydadku ay daadsan yihiin dhulka.

Maqaaxida Al-Baqa waxay noqotay meel caan ah oo loogu talagalay suxufiyiinta, dhaqdhaqaaqayaasha, iyo shaqaalaha, oo bixisa adeeg internet, fadhi iyo goob shaqo oo ku teedsan xeebta Mediterranean-ka Gaza.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay militariga Israa’iil.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii Israa’iil ay xalay saqdii dhexe duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay Marinka Qaza, taasoo keentay in boqollaal qoys oo Falastiiniyiin ah ay barakacaan, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles