Sunday, March 22, 2026

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay odayaasha dhaqanka KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Muqdisho kulan wadatashi ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha jira, xilli ay jiraan duruufo siyaasadeed iyo amni oo saameyn ku leh maamulkaas.

Odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyaha la wadaagay tabashooyinka iyo xaaladaha dhabta ah ee ka jira deegaannadooda, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah wax looga qabto arrimahaasi si loo xasiliyo xaaladda.

Guddoomiye Madoobe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay odayaasha kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin nabadeynta iyo horumarinta bulshada, isagoo ku booriyay in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la xoojiyo wada shaqeynta, dowladnimada iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, si loo gaaro horumar waara.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xubnihii la tartami lahaa Lafta gareen oo gaaray Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in...

Koofur galbeed oo sheegtay in Hubka laga keenay Masar loo qeybiyay Maleeshiyaadka Buurhakaba

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cali Saciid Fiqi,...

DFS oo taliyeyaal cusub u magacowday deegaanada KGS

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa magacaabay Taliyaha Qeybta Boliiska...

Lafta gareen oo la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga doorashada KGS

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa...

Xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda Puntland, Jubbaland iyo KGS oo shir ku yeelanaya Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles