Xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda Puntland, Jubbaland iyo KGS oo shir ku yeelanaya Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir ay yeelanayaan xildhibaano ka kala socda labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan maamullada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa la sheegay in uu yahay mid diiradda lagu saarayo xoojinta wada shaqeynta siyaasadeed iyo mideynta mowqifyada siyaasadeed ee saddexdan maamul, xilli uu dalku marayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in xildhibaanada kulmaya ay ka arrinsan doonaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

Sidoo kale, kulanka ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo sidii loo heli lahaa mowqif mideysan oo ay saddexdan dhinac uga jawaabaan arrimaha taagan, loona xoojiyo iskaashiga siyaasadeed ee mustaqbalka.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka jira gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo la xiriira jihada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo doorashooyinka la filayo.

WARARKII KALE

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena...

Duqeymo ka dhacay Duleedka Baydhabo

Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay...

Iiraan oo shaacisay war cusub oo la xiriira wafti tagaya Tehran

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Ismaaciil Bagaei, ayaa...

Sacuudiga oo war ka soo saaray weerarada Xuutiyiinta

Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Xuutiyiinta Yemen ay isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles