Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay odayaasha dhaqanka KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Muqdisho kulan wadatashi ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha jira, xilli ay jiraan duruufo siyaasadeed iyo amni oo saameyn ku leh maamulkaas.

Odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyaha la wadaagay tabashooyinka iyo xaaladaha dhabta ah ee ka jira deegaannadooda, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah wax looga qabto arrimahaasi si loo xasiliyo xaaladda.

Guddoomiye Madoobe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay odayaasha kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin nabadeynta iyo horumarinta bulshada, isagoo ku booriyay in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la xoojiyo wada shaqeynta, dowladnimada iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, si loo gaaro horumar waara.

WARARKII KALE

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena...

Duqeymo ka dhacay Duleedka Baydhabo

Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay...

Iiraan oo shaacisay war cusub oo la xiriira wafti tagaya Tehran

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Ismaaciil Bagaei, ayaa...

Sacuudiga oo war ka soo saaray weerarada Xuutiyiinta

Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Xuutiyiinta Yemen ay isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles