DFS oo taliyeyaal cusub u magacowday deegaanada KGS

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa magacaabay Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Gaashaanle Dhexe. Sadiiq Aadan Cali (Duudishe)

Sidoo kale, waxaa Taliyaha Saldhigga Boliiska Degmada Baydhabo Loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-gaabeey) , kaasi oo horey u ahaa Taliyihii Taraafikada ee Gobolka Baay.

Magacaabista ayaa ugu sii dari karta xiisada ka taagan magaalada Baydhabo, gaar ahaan mida u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur galbeed.

Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii shalay madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen uu isna magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Baay ee maamulka Koofur Galbeed.

Labada dhinac ee dowladda Dhexe iyo Koofur Galbeed ayaa wada abaabul siyaasadeed iyo Milateri, kaasi oo ay midba midkale doonayo inuu la wareego gacan ku haynta Deegaanada Koofur Galbeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles