Sunday, April 12, 2026

Guddoomiye Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa halkaasi uga qeyb galay shirweynaha 20-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo sanadkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista go’aanadii kasoo baxay kulankii kan ka horreeyey iyo natiijadii kasoo baxday shirkii xoghayaasha baarlamaanada urur goboleedka, dib u eegista iyo ansixinta qawaaniinta mashruuc ee guddiga baarlamaanadda ururka iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirka ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika, Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda, iyo sidoo kale xoghayaha Baarlamaanka Bulshada bariga Afrika, dadaalkooda ku aadan qabsoomida shirka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in shirka uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalalka Bulshada Bariga Afrika ay dadaal badan ku bixinayaan inay xoojiyaan nabadda iyo is-dhexgalka, iyagoo raacaya himilada mideysan ee bulshada, sidoo kalena Soomaaliya ay ku taagantahay ballanqaadkeeda ahaa inay si firfircoon uga qaybqaadato, isla markaana door wax ku ool ah ka cayaarto Bulshada Bariga Afrika oo ay ka tirsan tahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa guddoomiyaasha baarlamaanadda urur goboleedka la wadaagay in Soomaaliya, ka dib muddo dheer oo la sugayey, ay si guul leh u dooratay xubnaha sagaalka xildhibaan ah oo ku matalaya Golaha Sharci-dejinta Baarlamaanka urur goboleedka, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu soo laabatay ka qaybgalka iyo iskaashiga gobolka, iyadoo xoogga saaraysa diblomaasiyadda baarlamaaniga ah iyo horumarinta wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay in Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa, markii ugu horreysay muddo 56-sano ah ka dib ay isu diyaarinayso qabashada doorashooyin toos ah oo dowladaha hoose ah islamarkaana la filayo in shacabka Soomaaliyeed ay toos u doortaan hogaankooda, taasoo ka mid ah horumarada ay hiigsaneyso dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale inta shirka uu socday waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharcidejinta ee Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee 2025-2026.

Inta shirka uu socday ayaa la isku raacay in Soomaaliya ay marti galin doonto kulanka kan xiga ee gudoomiyayaasha baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo dhici doona Bisha May sanadka 2026, waxaana guud ahaan shirweynaha 20-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ku uu saabsanaa horumarinta iskaashiga, maamulka, iyo hagaajinta habraacyada baarlamaannada gobolka iyadoo la kaashanayo madaxda baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddiga joogtada ee BFS oo maanta lagu hor dhaariyay wasiiro iyo xildhibaan Cusub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan...

Munaasabada xuska 12 April ee Ciidamada xoogga oo ka socota Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga...

Munaasabada xuska 12 April ee Ciidamada xoogga oo ka socota Muqdisho

Munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga...

Fiqi oo hambalyo u diray ciidamada xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u...

Guddoomiyihii hore Golaha shacabka oo eedeyn u jeediyay MW Xasan Sheekh

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles