Tuesday, July 28, 2026

Masar oo dekad cusub ka dhisanaysa dal ku yaalla Geeska Afrika iyo Itoobiya oo ka walaacsan

Waxa jira warar sheegaya in Masar ay qorshaynayso in ay dekad ka dhisato dalka Jabuuti.

Labada dal ee Jabuuti iyo Masar ayaa sannadkii la soo dhaafay kala saxeexday heshiis ifhan oo u oggolaanaya Masaarida hirgelinta hawshaasi.

Tallaabadanay Masar qaadday ayaa timid xilli Itoobiya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin badeed joogto ah.

Itoobiya ayaa inta badan ku tiirsan dekadaha dalka Jabuuti oo ay kala soo degto badeecadaheeda islamarkaana ka dhoofiso alaabaha.

Khurabaro ayaa sheegay in aanay weli caddayn sida ay Itoobiya u aragto tallaabdan ay Maasirdu qaadeen ee ah in ay dekad cusub ka dhisanayaan dalka Jabuuti, laakiin waxa ay timaamayaan in dhinca kale ay noqon karto tallaabo walaac amni ka dhalisa gobolka.

Sida uu sheegay wargeys ka oo baxa Itoobiya oo la yidhaahdo Capital, waxaa la filayaa in dhawaan la saxiixo heshiiska Masar ay ku dhisi doonto deked cusub oo ku taalla Jabuuti.

Sababo la xidhiidha xiisadda biyo-xidheenka ee Masar kala dhaxaysa dalka Itoobiya, waxa la sheegayaa in Qaahira ay xoojisay cilaaqaadkii ay la lahayd Eriteriya.

Waxay u muuqataa in Masar ay damacsan tahay in ay maalgashi weyn ku samayso Jabuuti, oo deris la ah Itoobiya.

Toddobaadyada soo socda, waxaa la filayaa in wufuud uu hoggaaminayo Raysalwsaare ku xigeenka Masar, Kamal al-Wazir uu booqasho ku tago dalka Jabuuti, halkaas oo la filayo in heshiiska lagu dhammaystiro.

Kahor booqashadooda, Agaasimaha Dekedaha Jabuuti, Abubakar Omaar Haadi, ayaa soo dhaweeyey xubno ka socday Masri ku socotay isla markaana la yeeshay wadahadallo.

Masar waxay qorsheyneysaa in ay dhisto xarun 20MW oo ku shaqeynaysa tamarta qorraxda ee dekedda SGTD, halkii laga isticmaali lahaa koronto ka timaadda shabakadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles