Sunday, March 29, 2026

Guddoonka Golaha shacabka oo beeniyay in loo soo gudbiyay Mooshin ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, loo gudbiyay Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu caddeeyay in aanu jirin wax mooshin ah oo si rasmi ah u soo gaaray Golaha, iyadoo wararkaasi lagu tilmaamay kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Xafiiska Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay in Golaha Shacabka uu leeyahay habraacyo cad oo sharci ah, isla markaana mooshin kasta uu maro nidaam dastuuri ah oo qeexan ka hor inta aan la horkeenin Golaha.

Dhanka kale, qoraalka ayaa digniin u diray dadka faafinaya wararka aan la hubin, iyadoo lagu booriyay shacabka iyo warbaahinta inay ka fogaadaan faafinta xogaha marin habaabinta ah, isla markaana ay ku tiirsanaadaan wararka rasmiga ah.

Ugu dambeyn, Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa mar kale caddeeyay in uusan jirin wax mooshin ah oo ka dhan ah Madaxweynaha oo soo gaaray Golaha, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwo gebi ahaanba aan sax ahayn.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in la wareegtay Daynuunaay iyo Xubno Al-shabaab oo la dilay

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war rasmi ah...

Dagaal xooggan oo ka socda Deynuunay

Dagaal culus ayaa maanta ka qarxay aagagga deegaanka Daynuunaay...

KGS oo Turkiga ku eedeysay inay duulaan ku qaaday Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa si kulul ugu eedeeyay dowladda...

Taliyaha cusub ee Asluubta oo maanta xilka la wareegaya

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Xiisad colaadeed oo weli ka taagan Baydhabo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo socda

Magaalada Baydhabo ayaa saaka u muuqatay mid deggan, iyadoo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles