Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u go’aamiyay in Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad uu furmi doono maalinta Sabtida ah, taariikhduna ku beegan tahay 20-ka September 2025.
Waxaa lagu wargeliyay Xildhibaannada iyo Senatarada Baarlamaanka JFS inay soo xaadiraan xarunta Baarlamaanka maalintaas.
Furitaanka kalfadhigan ayaa lagu wadaa in uu diiradda saaro arrimo dhowr ah oo muhiim u ah hannaanka dowlad-dhisidda iyo siyaasadda dalka.