Friday, July 17, 2026

Hay’adda FAO oo ku dhawaaqday in Malaayiin Soomaali ah ay wajahayso Cuno la’aan baahsan

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay markale wajahayso xaalad bini’aadantinimo oo halis ah, iyadoo lagu qiyaasayo in ku dhawaad shan milyan oo qof ay ku sugan yihiin xaalad cunto la’aan daran.

Sida lagu xusay warbixin cusub oo FAO ay soo saartay, isbeddelka cimilada oo ay ka mid yihiin abaaraha daba dheeraaday, roobabka aan degganeyn ee sababay fatahaado, iyo saameynta colaadaha iyo barakaca joogtada ah ayaa si weyn u dhaawacay awooddii dadka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen cunto ku filan. Waxaa intaas dheer, sicir-bararka raashinka iyo adeegyada aasaasiga ah ayaa si ba’an u saameeyay nolosha dadweynaha, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada miyiga iyo xeryaha barakacayaasha.

FAO waxay sheegtay in qiyaastii 4.7 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan heerar kala duwan oo cunto la’aan daran ah inta u dhaxaysa bilaha soo socda, iyadoo in ka badan 700,000 oo ka mid ah dadkaasi ay khatar ugu jiraan xaalad macluul ah haddii aan la helin gargaar degdeg ah.

“Mudnaanta koowaad waa badbaadinta nolosha, taageeridda habnololeedka bulshada, iyo horumarinta adkeysiga bulshada Soomaaliyeed si ay ula qabsadaan xaaladaha adag,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay FAO.

Hay’addu waxay ugu baaqday beesha caalamka, hay’adaha samafalka, iyo dowladaha deeq-bixiyayaasha ah inay si degdeg ah ugu gurmadaan Soomaaliya, iyagoo bixinaya taageero dhaqaale, sahay raashin, adeegyo caafimaad, iyo barnaamijyo xoojinaya wax-soosaarka beeralayda iyo xoolo-dhaqatada.

Xaaladda cunto ee Soomaaliya ayaa ah mid si xawli ah ugu sii xumaaneysa, iyadoo khubaradu ay uga digeen in haddii roobabkii la filayay ay yaraadaan ama ay saameeyaan rabshadaha cusub, ay macquul tahay in xaalad macluul rasmi ah laga dhawaaqo qaybo ka mid ah dalka.

Ugu dambeyntii FAO iyo hay’adaha la shaqeeya waxay dadaal badan ku bixinayaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadan, balse taageerada caalamiga ah ayaa weli ah mid aad loogu baahan yahay si looga hortago musiibo bini’aadantinimo oo hor leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirkii difaaca Jabuuti oo geeriyooday

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, ayaa geeriyooday,...

Aqalka Sare oo u yeeray Wasiir Mukhtaar Roobow iyo eedeymo culus oo lagu haysto

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka,...

Heshiis is afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga oo la ansixiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Golaha Wasiirrada oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Rugta Ganacsiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh...

Turkiga oo Adkeeyay Taageerada Soomaaliya iyo Dalalka Kale ee Gobolka

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles