Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaasi oo heysta casuumaad rasmi ah oo ku saabsan ka-qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Shirka Madasha oo si rasmi ah u furmaya maalmaha 1-da ilaa 2-da bisha soo socota, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan dhammaan madaxda maamul-goboleedyada dalka, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Puntland ayaa ka biyo-diiday ka-qeybgalka shirkan iyadoo ku xirtay shuruud ah in laga laabto isbeddelkii lagu sameeyay afar cutub oo ka mid ah dastuurka Kumeelgaarka ah, halka Jubbaland aan lagu casuumin gabi ahaanba madasha.

Ka-qeybgalka SSC-Khaatumo ee shirkan ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama ay markii ugu horraysay fursad u helayaan inay fadhiistaan miiska siyaasadda heer qaran ee Soomaaliya, isla markaana ay si toos ah uga qeyb qaataan go’aanada masiiriga ah ee dalka.

Shirka Madasha kadib, waxaa Muqdisho ka bilaaban doona shir ballaaran oo diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Shirkan labaad waxaa lagu casuumay saamilayda siyaasadeed ee dalka iyo wakiillada ururrada bulshada rayidka ah, waxaana lagu falanqeyn doonaa sidii loo mideyn lahaa dadaallada amni iyo kuwa siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles