Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaasi oo heysta casuumaad rasmi ah oo ku saabsan ka-qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Shirka Madasha oo si rasmi ah u furmaya maalmaha 1-da ilaa 2-da bisha soo socota, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan dhammaan madaxda maamul-goboleedyada dalka, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Puntland ayaa ka biyo-diiday ka-qeybgalka shirkan iyadoo ku xirtay shuruud ah in laga laabto isbeddelkii lagu sameeyay afar cutub oo ka mid ah dastuurka Kumeelgaarka ah, halka Jubbaland aan lagu casuumin gabi ahaanba madasha.

Ka-qeybgalka SSC-Khaatumo ee shirkan ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama ay markii ugu horraysay fursad u helayaan inay fadhiistaan miiska siyaasadda heer qaran ee Soomaaliya, isla markaana ay si toos ah uga qeyb qaataan go’aanada masiiriga ah ee dalka.

Shirka Madasha kadib, waxaa Muqdisho ka bilaaban doona shir ballaaran oo diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Shirkan labaad waxaa lagu casuumay saamilayda siyaasadeed ee dalka iyo wakiillada ururrada bulshada rayidka ah, waxaana lagu falanqeyn doonaa sidii loo mideyn lahaa dadaallada amni iyo kuwa siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles