Wednesday, February 11, 2026

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo kaalmo u dirtay Puntland

Hay’adda maareynta musiibooyinka oo ka jawaabaysa baahiyaha bani’aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa gargaar loogu tala-galay dadka abaaraha iyo calaaduhu saameeyeen u dirtay degaannada dowlad gobolleedka Puntland.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeqdaan raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys ku wareejiyay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland.

Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in si loo yareeyo saameynta taban ee ka dhasha abaaraha iyo colaadaha ay hay’addu adeegsan doonto bad, barri iyo cir-ba, si gargaaka loo gaarsiiyo goobaha la xoreeyay iyo degaannada colaaduhu saameeyeen.

Xildhibaan Jigaato ayaa dhankiisa Hay’adda SoDMA uga mahad-celiyay gargaarkaan oo socdaal dhulka ah ku gaari doona degaanno ka tirsan Puntaland, halka uu Guddoomiye Maxamuud si weyn ugu mahad-celiyay Dowladda Imaaraadka oo deeqdaan keentay dalka.

Ma aha markii ugu horreysay ee Hay’adda SoDMA gargaar gaarsiiyo degaanno ka tirsan Puntland, todobaad ka hor ayay ahayd markii dowladda Imaaraaka ay magaalada Boosaaso ka dajisay 200 oo tan oo raashin ah, iyadoo la raacayo tilmaamaha SoDMA.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo isagoo wata ciidamo cusub ka soo degay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta...

Axmed Madoobe oo ka soo degay Muqdisho, isagoo wata ciidan hubeysan

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa...

NISA oo xog ka bixisay Maxamed Sahal Iidle horjooge sare AS ee la dilay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Diyaarad ku dhacday garoonka Muqdisho

Diyaarad kuwa rayidka ah ayaa waxaa ay ku dhacday...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay dilka afar muwaadin

Waxaa dil toogasho lagu fuliyay Cabdi Cabdulqaadir Maxamed (oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles