Monday, September 1, 2025

Hayโ€™adda maaraynta musiibooyinka oo kaalmo u dirtay Puntland

Hayโ€™adda maareynta musiibooyinka oo ka jawaabaysa baahiyaha baniโ€™aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa gargaar loogu tala-galay dadka abaaraha iyo calaaduhu saameeyeen u dirtay degaannada dowlad gobolleedka Puntland.

Guddoomiyaha hayโ€™adda SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeqdaan raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys ku wareejiyay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland.

Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in si loo yareeyo saameynta taban ee ka dhasha abaaraha iyo colaadaha ay hayโ€™addu adeegsan doonto bad, barri iyo cir-ba, si gargaaka loo gaarsiiyo goobaha la xoreeyay iyo degaannada colaaduhu saameeyeen.

Xildhibaan Jigaato ayaa dhankiisa Hayโ€™adda SoDMA uga mahad-celiyay gargaarkaan oo socdaal dhulka ah ku gaari doona degaanno ka tirsan Puntaland, halka uu Guddoomiye Maxamuud si weyn ugu mahad-celiyay Dowladda Imaaraadka oo deeqdaan keentay dalka.

Ma aha markii ugu horreysay ee Hayโ€™adda SoDMA gargaar gaarsiiyo degaanno ka tirsan Puntland, todobaad ka hor ayay ahayd markii dowladda Imaaraaka ay magaalada Boosaaso ka dajisay 200 oo tan oo raashin ah, iyadoo la raacayo tilmaamaha SoDMA.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles