Thursday, February 6, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaalida Norway

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Soomaalida Norway, mudane Maxamed Cabdulqaadir kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda jaaliyadaha iyo Qurbajoogta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Ibraahim Guure Maxamed.

Wasiirka ayaa aqbalay casuumad uu ka helay Rugta Ganacsiga si uu uga qaybgalo xafladda furitaanka shirweynaha ganacsi ee Somali Norwegian Business Summit, oo ay si wadajir ah u qabanqaabinayaan Rugta Ganacsiga Soomaalida Norway, Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

Wasiirka ayaa muujiyey taageero iyo bogaadin ku aaddan dadaalka ay wadaan Rugta Ganacsiga Soomaalida Norway ee ku saabsan xoojinta xiriirka dhaqaale iyo dhaqan ee Soomaaliya iyo Norway, sidoo kale, wasiirka ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay shirweynaha Caalamiga ee Qurbajoogta Soomaaliyeed oo lagu qaban doono sanadkan magaalada Oslo ee dalka Norway.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles