Sunday, June 1, 2025

Hay’adda NIRA oo beenisay in deegaano ka tirsan Puntland ay ku dartay Galmudug

Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee (NIRA) oo maanta war ka soo saartay ayaa sheegtay in ay si cad u beeninayso eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug.

“Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid Puntland.

Hay’adda NIRA waxay warsaxaafadeedka ku caddaysay in foomka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban ka tirsan yihiin Galmudug uu yahay mid been-abuur ah, islamarkaana waxay xaqiijisay in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo degaanno ka tirsan Puntland lagu daray dhinaca Galmudug.

“NIRA waxay caddaynaysaa in foomka Baraha Bulshada lagu faafiyay uu yahay mid been-abuur ah; foomka rasmiga ah ee Hay’adda waxaa laga heli karaa websaydkeeda iyo xarumaheeda kala duwan.Hay’addu waxay sidoo kale u xaqiijinaysaa shacabka Soomaaliyeed in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland lagu hoos-geynayo Galmudug,” ayuu sii raaciyay Qoraalka NIRA.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles