Friday, March 21, 2025

Hay’adda SEDO Somalia oo mashruuc deegaanka lagu dhawrayo ka fulisay dawaco

Hay’adda SEDO Somalia waxay ka fulisay tuulada dawaco ee ka tirsan gobolka Sanaag mashruuc lagu ilaalinayo deegaanka kaasoo looga hortagayo guurguurka ciidda taasoo sababta abaaraha kusoo noqnoqday gobolka iyo Soomaaliyaba.

Mashruuca ay ka faa’iideysteen dadka deegaanka ayaa lagu siiyey tababar ku saabsan ilaalinta deegaanka, ka hortagga xaalufinta deegaanka iyo dhirta, waxaana Hay’adda SEDO Somalia u qaybisay agab loogu talo galay inay ku sameeyaan biyo qabatinno si loogu celiyo biyaha roobka dooxooyinka iyadoo markaasi ay ka faa’iidaysan doonaan reer guuraga degen baadiyaha.

Hay’adda SEDO Somalia ayaa u qeybisay dadka deegaanka agab isugu jira badiilo, garweynayaal, sabarado iyo kaariyoonno si ay uga shaqeeyaan deegaanka, waxaana la sameeyey ilaa 150 goobood oo biyo qabatinno ah si looga faa’iidaysto xilliga roobka ayna ugaso baxaan caws iyo baad ay cunaan xoolaha.

SEDO Somalia ayaa ku hawlan ilaalinta deegaanka iyo ka hortagista xaalufintiisa, waxay ayna mashaariico la xiriira deegaanka ka fulisay gobollo kala duwan oo ka tirsan Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles