Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee  (SoDMA) oo dadaal xooggan ku bixineysa yareynta saameynta taban ee ka dhalatay abaarta La-nina ee ku dhifatay dalka, ayaa gargaar ban’aadannimo oo isugu jira nuucyada kala duwan ee raashinka gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.

Deeqdaan oo loogu tala-galay ku dhawaad 20,000 oo qoys, oo ah dadka nugl ee ku dhaqan gudaha magaalada iyo degaannada ku hareereysan ayaa lagu wareejiyay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay garab istaagaan bulshada jilicsan ee abaaruhu saameeyeen, isagoo si weyn ugu mahad-celiyay Dowladda Shiinaha oo dalka keentay gargaarka maanta gaaray magaalada Laasacaanood.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles