Heshiis is afgarad ah oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Masar oo la ansixiyay

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiis is-af-garad u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha caddaaladda, iyo Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada.

Kulanka, ayaa sidoo kale, lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh ee Afrika, kuna saabsan Iskaashiga Xoojinta Xiriirka Gaadiidka, kaas oo ay Soomaaliya u soo saxiixday Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS.

Kulanka Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta shirka wada-hadalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta, iyada oo Goluhu bogaadiyey shirkan iyo shirarkii ka horreeyey ee lala yeeshay siyaasiyiinta iyo ururrada diiwaan gashan, kuwaas oo looga tashanayey arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Golaha ayaa sidoo kale, warbixinno la xiriira amniga iyo munaasabadihii dabaaldegga maalmaha xorriyadda, waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo Guddigii ka shaqeynayey dabaal-degga todobaadka xorriyadda, taas oo si weyn looga maamuusay dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles