Heshiis laga gaaray dhismaha maamulka Khaatuma iyo Maakhir iyo qeybsiga Ergooyinka

Shirarkii siyaasadeed ee maalmahan ka socday magaalada Laascaanood ayaa maanta lagu heshiiyay, iyadoona is-afgarad balaaran  laga gaaray dhismaha Maamul cusub oo ay si wadajir ah u yeeshaan beelaha wada dega gobollada Khaatumo iyo Maakhir.

Maamulka cusub ayaa lagu saleeyay qaab deegaan iyo degmooyin, wuxuuna ka koobnaan doonaa magaalooyinka: Ceerigaabo, Laascaanood, Badhan, Dhahar, Laasqoray, Xuddun, Taleex iyo Buuhoodle.

Ergooyinka dhisaya maamulka cusub ayaa gaaraya 311 xubnood, waxaana beelaha u kala heleen sidan:

Dhulbahante – 138 ergo

Mohamud Harti – 135 ergo

Fiqi Shini – 19 ergo

Suwaqroon – 4 ergo

Ahmed Harti – 2 ergo

Kaskiqabe – 2 ergo

Dir – 1 ergo

Madhibaan – 2 ergo

Geri – 3 ergo

Ugaaslabe – 4 ergo

Is-afgaradkan ayaa lagu tilmaamay mid dhabbaha u xaaraya dhismaha maamul rasmi ah oo mideeya beelaha deegaanka, isla markaana suurtagelinaya matalaad cadaalad ku dhisan, nabadgalyo iyo horumar.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Guddiga Farsamada iyo dhismaha Baarlamaanka Maamulka cusub, si loo guda galo wejiga xiga ee maamulka dhismihiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles