Heshiis laga gaaray dhismaha maamulka Khaatuma iyo Maakhir iyo qeybsiga Ergooyinka

Shirarkii siyaasadeed ee maalmahan ka socday magaalada Laascaanood ayaa maanta lagu heshiiyay, iyadoona is-afgarad balaaran  laga gaaray dhismaha Maamul cusub oo ay si wadajir ah u yeeshaan beelaha wada dega gobollada Khaatumo iyo Maakhir.

Maamulka cusub ayaa lagu saleeyay qaab deegaan iyo degmooyin, wuxuuna ka koobnaan doonaa magaalooyinka: Ceerigaabo, Laascaanood, Badhan, Dhahar, Laasqoray, Xuddun, Taleex iyo Buuhoodle.

Ergooyinka dhisaya maamulka cusub ayaa gaaraya 311 xubnood, waxaana beelaha u kala heleen sidan:

Dhulbahante – 138 ergo

Mohamud Harti – 135 ergo

Fiqi Shini – 19 ergo

Suwaqroon – 4 ergo

Ahmed Harti – 2 ergo

Kaskiqabe – 2 ergo

Dir – 1 ergo

Madhibaan – 2 ergo

Geri – 3 ergo

Ugaaslabe – 4 ergo

Is-afgaradkan ayaa lagu tilmaamay mid dhabbaha u xaaraya dhismaha maamul rasmi ah oo mideeya beelaha deegaanka, isla markaana suurtagelinaya matalaad cadaalad ku dhisan, nabadgalyo iyo horumar.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Guddiga Farsamada iyo dhismaha Baarlamaanka Maamulka cusub, si loo guda galo wejiga xiga ee maamulka dhismihiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles