Thursday, March 12, 2026

Hoggaamiyihii Alshabaab ee Gobolada oo Duqeyn lagu qaarijiyay

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay iska kaashadeen Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu diley Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdirahmaan) oo ahaa horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa Gobollada.

“Horjooge Abuu Cabdirahmaan ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya Khawaarijta 15-kii sano ee ugu dambeysay, asagoo horjooge ka soo noqday qaybaha boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Khawaarijta Al-Shabaab 2009-kii.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale qoraalka ka soo baxay dowlada soomaaliya lagu sheegay in muddo lagu raad joogay balse ugu dambeyntii la diley.

Si kasta ha ahaatee warka ka soo baxay dowlada ayaan lagu sheegin in lagu diley sarkaalkan ka tirsanaa Alshabaab weerar loo adeegsaday diyaarado iyo weliba cidd ka kaalisay howlgalka ay sheegtay in lagu qaarijiyay Abuu Cabdiraxmaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles