Sunday, February 9, 2025

Hoggaamiyihii Ururka Xamaas oo Shirqool lagu dilay

War uu goor dhaw uu baahiyaya telafishanka qaranka Iran oo ay soo xigteen wakaaladaha wararka ee AP iyo Rueters ayaa sheegaya, in hogaamiyaha ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya lagu dilay Tehran, aroornimadi hore ee Arbacada maanta.

Bayaan isna kasoo baxay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu khaarijiyay caasimadda Iran.

Xamaas ayaa sidoo kale ka tacsiyeeysay dilka hogaamiyahooda, iyaga oo bayaankooda ku sheegay in Haniyah lagu dilay weerar ay ku sheegeen in Sahyuuniyadda ay ku qaadday gurigi uu ka deganaa Tehran.

Haniyah ayaa Talaadadi shalay ka qeybgalay munaasabaddi dhaarinta madaxweynaha cusub ee Iran.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda mas’uuliyadda dilka Ismaaciil Haniyah, hase yeeshee horay ayay Isra’il wacad ugu martay in ay dili doonto madaxda ururka Xamaas.

Ismaaciil Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles