Monday, December 22, 2025

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay deegaanka Jabad Godane

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii December 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo si guul leh uga dhan ah maleeshiyaadka  Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee hoostaga degmada Xawaadley, gobolka Shabeelle Dhexe.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalkan ayaa lagu dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka iyo abaabulka falal argagixiso.

Dhagarqabayaasha lagu dilay howlgalkan waxaa ka mid ah:

Jacfar Aadan, oo ahaa horjoogihii Khawaarijta ee deegaanka Jabad Godane.

Cabdirisaaq Cali, oo u qaabilsanaa daweynta iyo daryeelka maleeshiyaadka Khawaarijta.

Daa’uud, oo ahaa horjooge ka tirsanaa maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay deegaanka.

Howlgalkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka iyo saadka, sida lagu sheegay warsaxaafadda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xustay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda dhammaan gobollada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xildhibaanada labad Aqal ee BFS oo ka dooday Miisaaniyada DFS ee sanadka 2026

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

DFS oo ku dhawaaqday in khamiista la xirayo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal rasmi...

Dagaal ka socda degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Dagaal xoogan ayaa ka socda Degmada Jalalaqsi, kaas oo...

Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya Cabdisalaan...

Maraykanka oo eryanaya markab shidaal oo u ku dhow Venezuela

Ciidamada Badda Marayknaka ayaa ku jira dabagalka markab kale...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles