Thursday, April 9, 2026

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay deegaanka Jabad Godane

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii December 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo si guul leh uga dhan ah maleeshiyaadka  Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee hoostaga degmada Xawaadley, gobolka Shabeelle Dhexe.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalkan ayaa lagu dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka iyo abaabulka falal argagixiso.

Dhagarqabayaasha lagu dilay howlgalkan waxaa ka mid ah:

Jacfar Aadan, oo ahaa horjoogihii Khawaarijta ee deegaanka Jabad Godane.

Cabdirisaaq Cali, oo u qaabilsanaa daweynta iyo daryeelka maleeshiyaadka Khawaarijta.

Daa’uud, oo ahaa horjooge ka tirsanaa maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay deegaanka.

Howlgalkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka iyo saadka, sida lagu sheegay warsaxaafadda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xustay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda dhammaan gobollada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles