Horjooge sare oo ka tirsanaa AS oo lagu kharaajiyay Hiiraan iyo DF oo war ka soo saartay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in deegaanka Mubaax lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, oo loo yaqiinay Cali Qoyane.

Ciidamada geesiyaasha ah ee deegaanka gobolka Hiiraan ayaa caawa howlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii Al-Shabaab ee lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), kaasoo lagu beegsaday deegaanka Mubaax ee hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Horjooge Cali Qoyane ayaa ahaa sarkaal muhiim ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ka masuul ahaa falalka gubista gaadiidka shacabka iyo dhibaateynta dadka rayidka ah ee ku nool degaannada gobolka Hiiraan — arrintaas oo keentay in shacabka gobolkaasi ay kacdoon adag kaga hortagaan kooxdaas.

Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa horey sanadkii 2019 xukun dil ah ugu ridday Cali Qoyane isagoo maqane ah, kaddib markii la helay caddaymo muujinayay doorkiisii tooska ahaa ee falal argagaxiso oo lagu beegsaday shacab iyo masuuliyiin dowladeed.

Cali Qoyane ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxii uu ku geeriyooday Guddoomiye ku xigeenkii amniga ee degmada Maxaas, Rashiid Cusmaan Cabdi. Dilkaasi ayaa markii hore loo haystay Guddoomiyihii degmada Maxaas Cabdiraxmaan Cawaale iyo Nuur Mahad Alle, kuwaas oo markii dambe la sii daayay kadib baaritaan dheer.

Howlgalka xalay lagu dilay horjoogahan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan gobolka Hiiraan, si loo ciribtiro haraadiga Al-Shabaab iyo cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalada noocan ah ay sii socon doonaan, isla markaana aan la joojin doonin ilaa laga cirib tiro kooxaha nabad-diidka ah ee weli ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles