Iiraan oo Digniin u Dirtay Dalalka Martigeliya Ciidamada Mareykanka

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa digniin u diray dalalka martigeliya ciidamada Mareykanka, isagoo ugu baaqay inay isu diyaariyaan waxa uu ku tilmaamay “jawaab u dhiganta” haddii dhulkooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir dhow la leh dowladda Iiraan, IRGC ayaa ugu baaqay dalalkaas inay dhaqaajiyaan qorshayaashooda difaaca madaniga ah, islamarkaana ay shacabka ka fogeeyaan goobaha milatari ee laga yaabo in la bartilmaameedsado.

IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadeedu ay adeegsadeen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) si ay u beegsadaan xarun saadka ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Camp Arifjan ee dalka Kuwait, iyagoo ku andacoonaya inay halkaas khasaare gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa.

Sidoo kale, ciidamada Iiraan ayaa sheegay inay weerareen saldhigga cirka ee Ali Al Salem Air Base ee Kuwait, iyagoo ku doodaya inay hawlgab ka dhigeen nidaamyadii raadaarka, isla markaana ay burburiyeen hangar lagu dayactiro hubka iyo xarun lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ilaa iyo hadda, Mareykanka iyo dowladda Kuwait si rasmi ah ugama aysan hadlin sheegashooyinka Iiraan, mana jirto ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay khasaaraha ay IRGC sheegatay.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Nairobi

Hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Madasha Samatabixinta...

Guddoomiye Jaamac oo shaki geliyay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

DFS oo hub iyo ciidamo hor leh u daabulaysa KGS kadib guulaha Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay hub iyo...

Obama oo difaacay Ilhaan Cumar

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, ayaa si cad...

Ilaalada Kacaanka Iran oo hanjabaad u dirtay Trump iyo Netanyahu

Saacad ka dib markii Donald Trump uu sheegay inuu...

Masar oo oggolaatay inay Sacuudiga ka taageerto dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen

Mas’uul sare oo dhanka amniga ah oo u dhashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles