Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay hub iyo ciidamo dheeraad ah u daabulayso degmooyin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, xilli ay sii xoogeysanayaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Tallaabadan ayaa imaanaysa kadib markii ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay la wareegeen degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Bay, iyagoo haatan cadaadis militari saaraya degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Bakool.
Shalay ayay dowladda Soomaaliya ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee Haramcad geysay degmada Waajid ee gobolka Bakool, halka magaalada Baydhabo ay ka degtay diyaarad siday hub iyo saanad ciidan, sida ay sheegayaan xogaha la helayo.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa muujinaya in dowladda federaalku ay xoojinayso joogitaankeeda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, xilli uu sii xoogeysanayo loollanka militari ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Lafta-gareen.


