RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mudane László Eduárd Máthé, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah, nabadda iyo horumarka dalka.

Kulanka aya intii uu socday waxaa si gaar ah xoogga loogu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-dhiska, taageerada hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa danjiraha warbixin ka siiyey horumarka la gaaray ee dhinacyada amniga, dimoqraadiyadda iyo dowlad-dhiska, iyo sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay xoojinta dowladnimada, xaqiijinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo lala yeesho saaxiibbada caalamka.

Dhankiisa, Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa xaqiijiyey ahmiyadda xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sii wadidda wada-shaqaynta lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

Soomaaliya iyo dalal kale oo cambaareeyay tallaabo ay qaaday Colombia

Soomaaliya iyo 18 dal oo kale ayaa si wadajir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles