Wednesday, March 25, 2026

Iiraan oo soo ridday diyaarad hawadeeda mareysay

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Hermes, xili ay mareysay hawada Texraan.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Mizan, ciidanku waxay adeegsadeen nidaamkoodii ugu dambeeyay ee difaaca cirka si ay u soo ridaan diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee siday hubka.

Waxaa jira dhowr nooc oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Hermes ah oo fuliya hawlgallo kala duwan, waxaana inta badan loogu talagalay inay ururiyaan xogta sirdoonka.

Nooca cusub ee diyaaradaha noocaas ah, oo lagu magacaabo Hemes 900 – oo dhererkeedu yahay siddeed mitir – ayaa socon kara ugu yaraan 36 mayl.

Iiraan ayaa sheegtay inay burburisay 132 diyaaradood oo aan duuliye lahayn tan iyo markii uu dagaalku billowday 28-kii bishii Febraayo ee sanadkan.

WARARKII KALE

Xildhibaan Odowaa oo iska Casilay Xisbiga JSP iyo eedeyn uu u jeediyay Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa si rasmi ah...

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo loo magacaabay Sarreeeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si...

KGS oo DFS ku eedeysay in diyaarad ciidan iyo Hub ay maanta geysay Waajid iyo Buurhakaba

Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa si xooggan u cambaareysay...

Abiy Ahmed oo Beeniyay eedeymaha ku saabsan in Itoobiya ay Faragelin ku hayso Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si cad u...

Taliyaha Ciidanka xoogga oo la kulmay Taliyaha Africom ee Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Maxaa saaka ka cusub Baydhabo iyo deegaanada KGS?

Xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa weli si xooggan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles