Friday, July 31, 2026

KGS oo DFS ku eedeysay in diyaarad ciidan iyo Hub ay maanta geysay Waajid iyo Buurhakaba

Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa si xooggan u cambaareysay falka maanta ka dhacay deegaanada Buurhakaba iyo Waajid, halkaas oo diyaarado hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hub iyo saanado milatari geyeen.

War ka soo baxay wasaarada amniga Koofur galbeed ayaa waxaa ay arrintan ku tilmaantay mid halis ah, iyadoo sheegtay in hubka loogu talagalay la-dagaallanka kooxaha argagixisada loo adeegsaday burburinta maamulka KGS.

Sidoo kale waxaa ay beesha caalamka ugu baaqday inay arrintan soo farageliyaan.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee KGS ayaa muujisay murugo weyn oo ka dhalatay in weerarkan uu sababay dhimashada 13 qof, oo ay ku jiraan 4 haween, 7 rag, iyo 2 carruur ah, kuwaasoo ku geeriyooday fal rabshad oo aan macno lahayn.

“Tallaabadan foolxumada ah waxay muujineysaa sida hubka, diyaaradaha, iyo taageerada caalamiga ah ee loogu talagalay la-dagaallanka argagixisada loogu mis-use gareeyay si looga waxyeelooyo shacabka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri warka.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa cadeysay in ficilkan uu yahay xadgudub culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee maamul wanaagga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

M/weyne Xasan Shiikh oo shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Taliye Shub oo hanjabaad culus u diray Aadan Madoobe

Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha ciidamada Africom

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la...

Muhoozi oo ugu baaqay dalalka AUSSOM inay mideeyaan dadaallada

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda (CDF), General Muhoozi...

MW Xasan Sheekh oo maanta la kulmaya Taliyaha AFRICOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles