Friday, July 31, 2026

Abiy Ahmed oo Beeniyay eedeymaha ku saabsan in Itoobiya ay Faragelin ku hayso Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si cad u beeniyay eedeymo la xiriira in dalkiisu faragelin ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo ku adkeystay in Itoobiya ay deriskeeda kula nooshahay nabad, ixtiraam iyo iskaashi.

Abiy Ahmed oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha Ethiopia ayaa sheegay in xiriirka kala dhexeeya Somalia uu ku saleysan yahay iskaashi dhinacyada amniga iyo horumarinta, isla markaana aysan jirin kooxo ama dhinacyo gaar ah oo ay taageerto Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Soomaalidu ay yihiin bulshada labaad ee ugu tirada badan ee ku nool Itoobiya, arrintaas oo uu tilmaamay inay muujinayso xiriirka dhow iyo is-ixtiraamka u dhexeeya labada shacab.

Dhanka kale, Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka dalkiisa la leeyahay Eritrea, isagoo sheegay inuu ku dhisan yahay nabad, walaalnimo iyo deris-wanaag, isla markaana Itoobiya ay ka go’an tahay xoojinta xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu aysan wax faragelin ah ku hayn dalalka gobolka, balse ay diiradda saareyso xoojinta iskaashiga iyo ilaalinta nabadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

M/weyne Xasan Shiikh oo shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Taliye Shub oo hanjabaad culus u diray Aadan Madoobe

Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha ciidamada Africom

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la...

Muhoozi oo ugu baaqay dalalka AUSSOM inay mideeyaan dadaallada

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda (CDF), General Muhoozi...

MW Xasan Sheekh oo maanta la kulmaya Taliyaha AFRICOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles