Friday, April 10, 2026

Ilhaan Cumar oo ka hadashay khiyaanada lagu heysto Soomaalida Minnesota

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in aysan ka qoomameynin taageeridda Xeerka MEALS intii lagu jiray cudurka faafa ee COVID-19, inkastoo barnaamijkaasi uu xiriir la yeeshay khiyaano la sheegay in lagu sameeyay $250 milyan oo ka dhacday gobolka Minnesota taasoo loo yaqaan ‘Feeding Our Future’. Ama Quudi Mustaqbalkeenna.

“Ma ka qoomamaysaa riixitaankii aad riixday biilkaas, Xeerka MEALS? Ma u maleyneysaa inuu horseeday khiyaanada?” Nicholas Ballasy oo u shaqeeya Fox News Digital ayaa weydiiyay Ilhaan iyadoo joogta Capitol Hill, sida ay qortay warbaahinta Fox News.

“Gebi ahaanba maya, wuxuu gacan ka geystay quudinta carruurta,” ayay tiri Ilhaan.

Ilhaan ayaa soo bandhigtay Xeerka MEALS 11-kii Maarso, 2020, si wax looga beddelo barnaamijyada cuntada iyo nafaqada ee Waaxda Beeraha si loogu oggolaado ka-dhaafidda shuruudaha qaarkood ee barnaamijyada cuntada dugsiyada, oo ay ku jiraan kuwii kordhiyay kharashka federaalka intii lagu jiray xirnaanshaha dugsiyada sababo la xiriiray cudurka faafa.

Minnesota ayaa wajahday baaritaan la xiriira maamul xumo la sheegay in lagu sameeyay lacagaha federaalka ah ee lagu helay ka-dhaafitaannadan, oo ay ku jiraan qaybinta lacagta barnaamijka ‘Feeding Our Future’, kaasoo mas’uuliyiintu ay aaminsan yihiin inuu yahay mashruucii khiyaano ee ugu weynaa taariikhda cudurka faafa.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles