Mareykanka oo weerar ballaaran ku qaaday Daacishta Suuriya

Maraykanka ayaa sheegay in ciidankiisu ay “weerar ballaaran” ku qaadeen kooxda Daacish (IS) ee gudaha Suuriya, taasoo jawaab u ah weerar khasaare dhimasho leh dhaliyay oo lala beegsaday ciidamada Mareykanka ee dalkaas ku sugan.

Hoggaanka Gaashaandhigga Mareykanka ee Centcom ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka, helikobtarrada weerarka, iyo madaafiicdu ay “ku garaaceen in ka badan 70 bartilmaameed oo ku yaalla goooo dhowr ah oo ka tirsan bartamaha Suuriya”. Diyaarado laga leeyahay dalka Urdun ayaa sidoo kale ka qayb qaatay howlgalka.

Centcom waxay sheegtay in howlgalka “loo adeegsaday in ka badan 100 hubka rarka saxda ah leh”, kuwaas oo lala beegsaday kaabayaasha dhaqaale iyo goobaha hubka ee kooxda Daacish.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay “inay si aad u xooggan u weerarayaan” xarumaha Daacish, ka dib weerarkii dhabbagalka ahaa ee ay kooxdu 13-kii December ka fulisay magaalada Palmyra, kaas oo ay ku dhinteen labo askari oo Mareykan ah iyo turjubaan rayid ah oo u dhashay Mareykanka.

Qoraal uu ku baahiyay barta X, taliska Centcom, oo haga hawlgallada milateri ee Maraykanka ee Yurub, Afrika iyo Indo-Pacific, ayuu ku sheegay in hawlgalka “Hawkeye Strike” la bilaabay 16:00 xilliga Bariga (21:00 GMT) ee maalintii Jimcaha.

Taliyaha Centcom, Admiral Brad Cooper, ayaa sheegay in Maraykanku “uu sii wadi doono baadi-goobka aan kala joogsiga lahayn ee lagu hayo argagixisada doonaysa inay waxyeelleeyaan dadka Maraykanka ah iyo saaxiibbadeenna gobolka oo dhan.”

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in hawlgalkani “uusan ahayn billowga dagaal — ee uu yahay ku dhawaaqid aargoosi.”

Wuxuu intaas ku daray: “Haddii aad beegsataan dadka Maraykanka ah — meel kasta oo dunida ka mid ah — inta ka dhiman noloshaada gaaban ee cabsida leh waxaad ku qaadan doontaa adigoo og in Maraykanku ku baadi-goobi doono, ku heli doono, si naxariis darro ahna kuu dili doono.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles