Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ugu deeqday in ka badan 100 gaadiidka oo ah kuwa dagaalka , kuwaas oo laga soo saaray dekedda magaaladda Boosaaso.
Gaadiidkaan ayaa kusoo aaday xili Puntland ay dagaal kula jirto kooxda Daacish kaas oo ka socda buuralayda Calmiskaad.
Imaaraadka Carabta ayaa xoojiyay taageeradda tooska ah ee Puntland uu siinayo tan iyo intii uu dagaalkaan bilowday.
Gaadiidkan dagaal ayaa ka qeyb qaadan doono howlgal dagaal ee ka socda deegaanada ka tirsan Buuraleyda Cali-miskaad ee Gobolka Bari.
Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay ka qeyb qaataan duqeynta lala beegsanayo maleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa Buuraleyda Cali-Miskaad ee gobolka Bari.
Dhowr Jeer oo hore diyaaradaha dagaalka Imaaraadka Carabta ayaa fuliyay duqeymo lala beegsaday saldhigyada Daacish ay ku leeyihiin Buuraleyda Cali-Miskaad.
Gobolka Bari ayaa waxaa ka socda dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab