Ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deegaanka u gudaha u galay qeybo ka mid ah Ceelbaraf.

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka degaanka ay gudaha u galeen qeybo ka mida degmada Ceelbaraf, Sh/Dhaxe halkaasi oo maalmihii ugu danbeeyay ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka ayaa laba jiho ka galay degmada Ceelbaraf, iyadoo dhanka Hiiraan ay kasoo galeen ciidanka deegaanka, halka dhanka Sh/Dhexe ay ka galeen ciidanka Xoogga Dalka.

Arrintan ayaa keentay in ciidamada ay u suurtagashay in ay gudaha u galaan, iyadoona la soo werinaya in rasaas weli laga maqlayo degaanada ku dhow dhow Ceelbaraf.

Ilaa xalay waxaa socday duqeymo lagu garaacay degmada Ceelbaraf, oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo halka gantaalada qaar ay ku dhaceen guryaha ay leeyihiin dadka deegaanka degmada Ceelbaraf.

Duqeymaha ku socday Ceelbaraf ayaa keenay inay gubtaan qaar ka mida xaafadaha magaalada, waxaana saaka duqeyntaasi ku dhintay haweeney shacab ah oo La sheegay inay alaab kasoo qaadan rabtay gurigeeda, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof kale.

Qabashada degmada Ceelbaraf ayaa ka dambeysay kadib markii maalmihii la soo dhaafay olole guluf dagaal ah oo ay qaadeen ciidamada dowladda iyo gurmadyo ka kala yimid Hiiraan iyo Mudug.

WARARKII KALE

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles