Tuesday, November 11, 2025

Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Afweyne oo maanta ka mid noqday golaha shacabka

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa maanrta  lagu qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 248, kaasi oo ka mid ahaa kuraasta ka banaaneyd Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada kursigaan sumadiisu tahay HOP 248 oo deegaan doorashadiisu tahay Cadaado waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Afweyne oo ka guuleystay musharaxii la tartamay oo lagu magacaabo Sahro Xasan Cabduule.

Guddigga doorashooyinka oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Xasan oo uu helay codad gaaraya 80, halka Sahra ay heshay 10 cod.

Kursigaan waxaa horay ugu fadhiyay oo xubinnimadii golaha shacabka ku waayay qabashada xilka Agaasime ku xigeenka hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Saadaq Cumar Xasan, Saadaq Joon.

Xildhibaankan cusub ee maanta la doortay ayaa dhawaan uun laga soo daayay xabsi ku yaala dalka Biljimka uu ku xirnaa mudo 12 sano, isagoona u xirnaa inuu ka mid ahaa hoggaamiyaasha kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

“Waxaan si weyn uga mahadcelinaya Xildhibaanada, wasiirada, guddoonka, waxaan kalo balan qaadaya inaan si wanaagsan ugu shaqeyn doono kursigaan ay si gaar ah igu soo doorteen dadka aan matalo, waana ku faraxsanahay iney ii doortaan kursigaan” ayuu yiri Xildhibaanka cusub Maxamed Cabdi Xasan Afweyne.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in ay qabto doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 049 oo uu horay ugu fadhiyay Mustaf Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Rag ku eedeysan Ninkii lagu gubay Wanlaweyn oo gacanta lagu soo dhigay

Taliyaha ciidanka Dhulka Sareeye Guute Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Duqa Muqdisho oo qaabilay taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen Marco Manzone

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Golaha Shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Cabdinaasir Saxansaxo oo loo magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Isbeddel lagu sameeyay qaar ka mida maalmaha fasaxa rasmiga ee Suuriya iyo khilaaf xooggan oo ka taagan

Wareegta cusub ayaa muran iyo khilaaf xooggan ka dhalisay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles