Wednesday, March 4, 2026

Ingiriiska oo DF ku wareejisay xero ciidan oo ku taala Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah ula wareegay xaruntii tababarrada ciidamada ee ay dhistay isla markaana ay taageeraysay Dowladda Ingiriiska ee magaalada Baydhabo, kadib kulan uu la yeeshay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles Nicholas King.

Xaruntan ayaa si buuxda loogu wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga, si ay uga qeyb uga qaadato tababaridda ciidamada qaranka.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan safaaradda Ingiriiska, oo uu ka mid yahay Kabtan James Edwards, u qaabilsanaha milateriga ee safaaradda.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u tilmaamay muhiimadda xarunta Baydhabo ee dhanka tayeynta ciidamada iyo dar-dargelinta howlgallada lagula dagaallamayo AS.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles